Himilo – Sevilla ayaan wax xiiso ah u qabin inay dib ula midoobaan Sergio Ramos, kaasoo si xor ah kaga tagi doona Real Madrid xagaagan.
Maamulka sare ee Los Blancos ayaa xaqiijiyay fiidnimadii Talaadada in halyeeyga Ramos ee 16-ka sano ku sugnaa Bernabeu uu dhamaan doono bishaan.
Waxaa lala xiriirinayaa kooxaha sida Manchester City iyo Paris Saint-Germain, 35 jirkaan ayaa lala xiriirinayay inuu dib ugu laaban doono kooxdiisii ugu horeysay ee Sevilla.
Si kastaba ha noqotee, saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in kooxda Los Nervionenses aysan dooneyn inay ku wareejiso halyeeygan koox uu markii ugu dambeysay wakiil u ahaa 2005.
Romano ayaa soo jeediyay in Ramos, oo laga reebay xulkii Spain ee Euro 2020, uu durbaba “si qoto dheer ugala tashanayo” koox kale.
Ramos wuxuu u adkeystay xilli ciyaareed jahwareerka lahaa2020-21, kaliya 21 kulan ayuu saftay tartamada oo dhan dhaawac dartiis.