Home / Madadaalo / Daanyeer doonay inuu dilo Haweeneeydii quudineysay

Daanyeer doonay inuu dilo Haweeneeydii quudineysay

Himilo – Haweeneey shaqaale ka ahayd goob xayawaanada lagu hayo oo ku taalla Spain, ayaa waxaa kasoo gaaray dhaawac culus, markii uu weeraray Gorilla ay xanaaneyn jirtay tan iyo yaraantiisii.

Malabo, oo culeyskiisu yahay 90km ayaa jabiyay albaabo muraayado ka sameeysanaa oo difaac ahaa, markaas oo ay haweeneeydan 46-jirka ah ay quudineysay xayawaanada lagu hayo beerta.

Waxa uu ka jabiyay labada gacmood, isaga oo sidoo kalena gaarsiiyay dhaawacyo kale, waxaana la dhigay isbitaal ku yaala caasimadda Madrid, halkaas oo xaaladeeda laga deyrinayo.

War qoraal ahaa oo ay soo saareen maamulka beerta xayawaanada ayaa haweeneydaasi loogu rajeeyay bogsiino deg deg ah. Daanyeerka falkaasi ku kacay ayaa da’diisu ahayd 29-jir.

waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka in Malabo- daanyeerka weerarka fuliyay la suuxiyay laguna hayo goob ammaan ah, kiiska dhacayna baaritaan lagu hayo.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan