Himilo – Cilmi baaris dhawaan gal ah ayaa lagu sheegay in daawashada badan ee telefishinka ay xiriir la leedahay hoos u dhaca caafimaadka maxkaxda iyo garashada
Si gaar ah dadka ku jira da’da dhexe ayaa la caddeeyay inay yihiin kuwa halista ugu badan ay ka soo gaarto ku bixinta wakhtiga badan TV-yada sida lagu xusay xogta la helay.
Dadka wakhtiga badan ku qaata hor fadhinta shaashadaha Tv-yada ayaa la ogaaday inay ka wax qabad yar yihiin kuwa saacadaha kooban daawada muuqaal baahiyaasha.
Dr. Priya Palta, oo ka tirsan jaamacadda Columbia University ayaa sheegay in cilmi baarista lagu xaqiijiyay in laga hortagi karo waxyeelada maskaxda sida waalida haddii la yareeyo daawashada TV-yada.