Home / Macluumaad / Daawo: Arday dugsi dhexe dhigata oo dagaal ku egeeyay macallinkooda

Daawo: Arday dugsi dhexe dhigata oo dagaal ku egeeyay macallinkooda

Dalka Shiinaha waxaa qabsatay falanqeynta arrin la xiriirta in arday dugsi dhexe dhigata ay feer iyo laad kala daaleen barahoodii oo ay is qabteen mid kamid ah ardaydii fasalka dhiganeysay.

Macallinka ayaa warqaddii Imtixaanka ka qaaday arday fasalka ku jiray, muran kaddibna waxaa bilowday hujuun uu ardaygu macallinka ku qaaday kaddib caawin uu ka helay ardayda ay fasal wadaaga yihiin.

Dhacdadan oo ugub ah ayaana ka dhacday dugsi dhexe oo ku yaal magaaladda Bozhou ee gobolka Anhui.

Wasaaradaha Waxbarashada iyo amniga bulshada ayaa baaritaano ku sameynaya falka ay ku dhaqaaqeen ardayda iskuuleyda ah ee ka dhanka ahaa macallinkoodii.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan