Muqdisho – Koox carruurta Turkiga kamid ah waxaa lagu abaal-mariyay hadyado iyo baaskiilo maadaama ay Masjidka ku tukadeen salaadda Fajarka – kuwaas oo 40 saf buuxiyay.
Hadyadda waxaa lagu siiyay Masjidka Sultan Selim ee degmada Iimaan oo katirsan caasimadda Istanbul, sida IIm Feed laga soo xigtay.
Hooyooyin badan ayaa joogto ugu soo wehliya carruurtooda salaadda Fajarka si ay u dhiirri-geliyaan.
Ardaaga hore ee Masjidka waxaa lagu safay baaskiillo, jawiguna wuxuu u muuqday mid dabaal-degeed.
Dhaq-dhaqaaqa waxaa loo soo jeediyay in carruurta lagu dhiirri-geliyo noqoshada kuwo caadaysta tukashada Salaadda Fajarka.