Home / Habka-Nolosha / Daawo Sawiradda: Garsoorayaal Soomaaliyeed oo dhexdhexaadiyay kulan uu goob joog ka ahaa madaxweynaha FIFA

Daawo Sawiradda: Garsoorayaal Soomaaliyeed oo dhexdhexaadiyay kulan uu goob joog ka ahaa madaxweynaha FIFA

Gabon ayaa galbeedka dalkeeda gegada ku taal ku soo dhaweysay Sierra Leone oo ay ku tartamayeen isreebreebka koobka qaramada Afrika.

Cayaartan waxaa u soo daawasho tegay oo gegada FranceVille ku sugnaa madaxweynaha Gabon Ali Bongo Ondimba, Madaxweynaha cusub ee FIFA Gianni Infantino iyo madaxa Caf Issa Hayatou.

Xasan Xaaji Yabarow Wiish oo ah garsoore Soomaaliyeed ayaana cayaartan dhexdhexaadinayay.

Xamse Xaaji Cabdi oo calanhayaha koowaad ah, Mahad Cali Maxamuud oo calanhayaha Labaad ah iyo Bashiir Colaad carab oo garsooraha Afaraad kulankan ka ahaa ayaa dhammaan kamid ah garsoorayaasha heerka caalami ee Soomaaliya.

1

4

2

5

8

6

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan