Magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ay kamid yihiin Baydhabo iyo Kismaayo ayaa shalay laga xusay munaasabadda Maallinta Olombikada Adduunka oo ku beegneyd 23dii June, hayeeshee Ramadaanka awgii looga dhigay 23 July.
Inkabadan 500 oo cayaaryahan ayaa ka qeyb galay munaasabadihii lagu xusayay Maallinta Olombikada ee Soomaaliya ka dhacay.
Orod, kubbad cag, Xarig-jiid, Dheri jabin iyo Cayaaraha Hidaha iyo Dhaqanka, ayay cayaartoydu sameeyeen.
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Xiriirka Cayaaraha Fudud, Xiriirka Kubadda Laliska iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabadda.