Himilo – Dunida reer galbeedka dhaqashada xoolaha waxay u arkaan wax aan laga tagi karin, sidaa daraadeed waxay u sameeyeen dhul si gaar ah loo diyaariyey durdur iyo doog ah, waxaa u dheer daryeel, inagase sidaa cagsigeeda waxaan dhaqashada xoolaha iyo daryeelkooda u aragnay wax laga tagay nolosha cusubna aan lug ku laheyn.
Iyadoo sidaas ay tahay hadana nolosha in badan oo ka mid ah muwaadiniinteena waxa ay si toos ah ama si dadban ugu tiirsan tahay nacfiga xoolaha ka yimaada, markaad u kuur-gasho kuweenna xoolaha leh qaarkood way dayacaan waxaase jira dad ku dedaala.
Musiibada aamusan ee abaarta waxa ay ku soo noq-noqotay dalkeenna, waxyeelada ay u geystay dadkeenna ka sokaw waxay si fog u dhaawacday xoolaheena- sida dadkaba markay abaar ku habsato uu u daciifo difaacooda, xoolahana sidaa si la mid ah ama ka ag dhaw ayuu u daciifaa difaacooda.
Intaa xoolaha waxaa u dheer waa noole aan nala wadaagin xanuunka haya iyo dihaalka u gaarka ah, balse ay tahay inay dhugtaan kuwa hareer jooga ee dhuuxooda ku dangiiga, keena fari xanuunto taahiisa ma qarsado, balse nafleydan sidaa ma aha.
Dawladaha daryeelka xoolaha ku tilmaaman waxaa ka mid ah Australia iyo UK. labadan dal waxay dhaqan geliyeen shuruuc sheegaya in xooluhu helaan daryeel dhameystiran sida in xanuun iyo dhaawacba laga ilaaliyo, in gabaad loo sameeyo iyo in laga xoreeyo gaajo iyo oon sida dadkaba.
Dalalka dhaqaalaha leh waxaa u suura-galay inay ka hor-tagaan tacdarada xoolaha balse Africa Iyo Asia markasta oo ay cudurro ka dilaacaan waxaa khatar gala xoolaha, daraasad uu sameeyey machadka xoolaha (ILRI) ayaa sidan qoray,
Dad badan oo ku nool dunida saboolka lagu sifeeyo weli qoysaskooda waxay quutaan manfacaha xoolaha wixii yaraa ee ay ka heli lahaayeena magaalooyinka ayaa aad looga dalbadaa sida caanaha iyo hilibka, dad lagu qiyaasay 700 milyan waxay ku tiirsan yihiin xoolo u xareysan.
Cudurada ku dhaca noolahan nala nool waxa ay khatar toos ah ku yihiin aadanaha sida feeriska hargabka shimbiraha iyo kuwo kale waxa ay dadka uga soo gudbaan xoolaha, cuduradaas waxa ay dadka u keeni karaan dhimasho iyo xanuuno raaga.
Kud, dhukaan, goror duuf, caal, furuq, cadho, golrod, baaldhiig, bakaal, balalo, cabeeb, caga-salaax, cashi, daab, iyo kuwo kale waa cudurada ku dhaca dab-joogteena, cuduradaas qaarkood marka xoolaha ay ku dhacaan ee ay soo ritaan muddo kaddib ayey ka kabtaan ama wey u dhintaan haddeysan baxnaano helin.
Inkastoo cuduradan qaarkood ay si saf mar ah ugu dhacaan xoolaha oo gooro gaar ah la arko, hadana kuwo badan oo ka mid ah waxay ka dhashaan dar-xumo lala dersiyo duunyadeenna, Dhib kase ugu badan ee galaafta xoolaha waxa uu ka tisqaadaa dayaca loogu roonaado.
Marka xanuunadan iyo kuwa kale ee aanan qormadan ku magacaabin aad ku fiirsano naflayda aad dhaqato ee uu digaagu ugu yar yahay geeluna ugu weyn yahay, filan waa yaysan kugu noqon haddii taranka iyo wax-tarka xoolahaagu hoos u dhaco.
Dhar-dhaar walba oo uu dab ka shidan yahay anfaco xoolo kama marno quudka, noolaha sidaa nolosheena ugu garab ah kawaran haddaan dayac ugu badalno, daryeelka aan kala durugno, kolkooda sow kama suurowdo inaan ka weyno wixii aan ka filaynay.
Sida mareykanka ka dhacday reero badan waxay bilaabeen inay dib ugu laabtaan dhulka miyiga, sababta noqoshadooda waxay u cuskadeen doonis ku dhalatay oo tustay inay xoolo dhaqdaan, sabab kale ayaa laga soo xigtay taas oo ah inay miyiga ka helayaan jawi aan buuq lahayn iyo cunno dabiici ah.
Meelo kale sida carabaha ka jirta xubnaha qoyska ayaa isqeybiya; kuwo xoolaha ayay ku hayaan kuna dhaqaan baadiyaha kuwana magaalooyinka ayey degaan, halkaa waxaa ka soo baxda nolol is-dheeli tiraysa iyo inaysan dhicin gaabis ku yimaada wax soo saarka xoolaha iyo cadadkooda.
Dawladaha nasiibku u xidid dhigay dhulka aadka u qabow shucuubtooda waxay ku dhib qabaan dhaqashada xoolaha, sababtoo ah arliga ay joogaan xilli gooreedyadiisu kuma saacidayso inay xoolo si fudud ugu dhaqdaan sida dalkeenna ka jirta, hadana dhaqashada xoolaha waxay ku bixiyaan adduun badan.
In loo arko noole aynan ka maarmin, nimco alle nagu galladay, nafley u baahan daryeelkeena waa tallaabooyin aan isleeyahay waxay ka hortagi karaan dayaca xoolaha nala dabka ah lagula kaco, tani waxaa kale oo ay naga badbaadin ciqaab aan dayacooda ku mudano.