Home / COVID 19 / Dadka degan Japan oo heli doona tallaal bilaash ah
MOSCOW, RUSSIA - AUGUST 11, 2020: Producing COVID-19 vaccine at a laboratory of a Binnopharm pharmaceutical company plant. AFK Sistema's Binnopharm plant can produce up to 1.5 mln vaccine doses a year. The COVID-19 vaccine developed by the Gamalei Scientific Research Institute of Epidemiology and Microbiology of the Russian Healthcare Ministry, will be available to general public on January 1, 2021. AFK Sistema Press Office/TASS

Dadka degan Japan oo heli doona tallaal bilaash ah

Himilo – Dowladda Japan ayaa tallaal bilaash ah siin doonta dadka ku nool dalkeeda oo lagu qaddaro 126 milyan oo ruux, si loo xakameeyo xanuunka sida fudud ku faafa ee Covid-19.

Tilaabadan tallaal bixinta ah ayaa waxaa ansixiyay golaha aqalka sare ee baarlamaanka dalkaasi, taas oo ogolaaneysa haddii la helo tallaalka in la qeybiyo.

Si loo wada gaaro dadkaasi dowladda Japan ayaa heshiis ay ku soo iibsaneyso 60 milyan oo dhibcaha tallaalka ah waxey la gashay shirkadda Pfizer, halka tan kale ee Iyana laga leeyahay Mareykanka ee Moderna kasoo iibsan doonto 25 milyan.

Waxey sidoo kale sheegtay dowladda Japan in la heli doono 120 milyan oo dhibcaha tallaalka ay soo saartay shirkadda Britishka ah ee AstraZeneca.

Ansixinta golaha waxey imaaneysa laba todobaad kaddib markii ra’iisul wasaaraha uu sheegay in kiisaska coronavirus ee Japan ay marayaan halkii ugu sareeysay, isbitaaladuna qarka u saran yihiin inay xirmaan.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan