Home / Macluumaad / Dadka Dhafra habeenkii oo noqday kuwa ku guuleysta nolosha

Dadka Dhafra habeenkii oo noqday kuwa ku guuleysta nolosha

Baarayaal u dhashay dalka Ingriiska ayaa daraasad ay sameeyeen waxa ay ku ogaadeen in dadka dhafra habeenkii ee xilli danbe gaara mar walba inay yihiin kuwa ku guuleysta nolosha.

Daraasadan oo uu sameeyay machadka London ee daraasaadka Siyaasada iyo Dhaqaalaha ayaa lagu sheegay in xiriir uu ka dhaxeeyo dhafarka habeenkii iyo guusha qofka .

Waxaa lagu cadeeyay daraasadan oo ay ka qeyb galeen dad aad u fara badan in dadka ay ka go’antahay guusha ay yihiin kuwa aan waqti badan hurdada ku bixin balse ku dhafra qabashada howl ay doonayaan inay ka sal gaaraan.

waxaa intaa lagu sii daray in dadka nolosha ku guuleysta sidoo kale aysan hurdin saacado badan xataa xilliga ay fasaxyada ku jiraan taasi oo ugu wacan himilooyinka ay leeyihiin oo aan tiro laheyn.

Sidaasi si ka duwan dadka aan dhafrin ee saacado badan hurda ayaa la tilmaamay in aysan ka mira dhalin himilooyinka ay hiigsanayaan.

Professor la yiraahdo Satoshi Kanzoli oo kamid ah qubarada daraasadda sameeyay ayaa xusay in baaritaankooda ay ku ogaadeen in xiriir uu ka dhaxeeyo dhafarka ama soo jeedka habeenkii ee qofka iyo guusha qofka uu gaaro.

“Haa waa xaqiiq, dadka dhafra ayaa ah kuwa guuleysta ” sidaasi waxaa yiri Satoshi oo ka tirsan machadka London ee daraasaadka Siyaasada iyo Dhaqaalaha.

Ugu danbeyn daraasadan ayaan ka hadlin dhibaatada caafimaad ee dhafarka uu u leeyahay qofka bini’aadamka oo daraasado aan tiro laheyn ay muujiyeen in dhafarka laga qaado cudurro badan.

Xigasho: Alquds.com

W/T: Mahad Mohamed Ali

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan