Shirkad xarunteedu tahay dalka Ingiriiska ayaa iibsatay Hiddo-sidayaasha qaar kamid ah dadka ku nool jasiiradda Serdiina ee dalka Talyaaniga iyadoo rajeynaysa inay arintaasi ka caawiso ogaanshaha sababta dadkaasi ay uga cimri dheer yihiin dad kale ee caalamka.
Shirkaddaasi oo la yiraahdo Tezyana Life Science ayaa 256,000 oo Euro ku bixisay si ay u iibsato hiddo-sidayaasha (DNA) qaar kamida dadka jasiiraddaasi oo tiro ahaan lagu qiyaaso 12,600 oo qofood.
Gebriel Seyruni oo ah asaasaha Shirkadda ayaa war qoraal ah ku sheegay in Serdiina ay kamid tahay seddex goobood oo dunida ku yaala oo dadka ku nool ay da’ fog gaaraan.
Mareegta “The Local” ee ka faaloota arrimaha Yurub ayaa qortay in baaritaanka uu xoogga saari doono deegaanka Awliyastara ee dhaca koonfur bari ee jasiiradda Serdiina.
Halkii qof ee kamid ah 2,000 oo qofood oo jasiiraddaasi ku nool ayaa la tilmaamaa in da’diisa ama da’deeda ay dhaafto 100sano, arrintaasi oo ah midda soo jiidatay dad aad u fara badan kuna qasabtay baarayaal badan inay isku dayaan ogaanshaha sababta dadkaasi ay uga cimri dheer yihiin kuwa kale.
Xigasho: Ibtimes.com
W/T: Mahad Mohamed Ali