Himilo – Dadka degaanka ayaa ku xooma beero yar yar oo lagu xanaaneeyo dameerada oo ku yaalla koofurta magaalada Tirana ee dalka Albania, halkaas oo xudun u ah iibka caanaha xayawaankaasi.
Elton Kika, oo ah 37-jir beer lagu hayo 12 dameer ku leh magaaladaasi, ayaa sheegay dalabka caanaha dameerku iney xoogeysteen wixii ka danbeeyay markii feyruska corona wuu gaaray wadanka Albania.
Halkii litir ee canahaha Dameerka ayaa lagu iibiyaa 50 euros oo u dhiganta $61.29, qiimahaasi ayaana ah mid sareeya marka loo eego dakhliga soo gala ruuxa Albenian-ka ah bishii ee ah 400 oo yuuro, sida uu daabacay gulf today.
Inkastoo uusan cilmi seynisku sheegin, haddana dadka reer Albania waxey rumeysan yihiin in caanaha dameerka ay ku jiraan nafaqo la mida tan caanaha hooyada ee kobciya xoojinaya habdhiska difaaca jirka.
Marka laga soo taga in canaha dameerka ay cabbaan, haddana waxey qoysasku ka sameeystaan saabuun iyo waxyaabo kale oo loo adeegdo isqurxinta, si ay u daryeelaan jirkooda maadaama ay ku jiraan xayiraadda Covid-19.