Home / Maalmaha Caalamiga / Dalladda SOMA oo xustay maalinta Raadiyaha Adduunka

Dalladda SOMA oo xustay maalinta Raadiyaha Adduunka

Himilo FM –Dalladda SOMA waxay qabatay xaflad lagu maamuusaayay maalinta Caalamiga ee raadiyaha adduunka oo ay UNESCO u asteysay 13 Febraayo in sannad kasta la xuso.

SOMA waxay xaflad loogu dabaal-degayay maalintaas ku qabatay magaalada Muqdisho, munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala, agaasimaha SNTV, bulshada rayidka gaar ahaan dalladda SONSA, agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dowladda Hirshabeele, Ururada Saxaafadda,  iyo dhamaan bahda Saxaafadda.

Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele oo furay xafladda ayaa uga mahadceliyay dalladda SOMA howlaha wacyi-gelinta bulshada ee ay u qabtaan bulshada Soomaaliyeed, wasiirka ayaa SOMA ku ammaanay midaynta xarumaha warbaahinta ee ku kala yaalla magaalooyinka kala fog fog.

“Waxaad samayseen dhaqan aan looga baran saaxafadda kaas oo ah inaad kulmiseeen xarumo warbaahineed oo  ku kala yaala gobolada dalka, aadna suura geliseen in hal farriin dhamaan laga wada daayo xarumahaas,” ayuu yiri Wasiir Daahir.

Ugu dambayn wasiir Geele ayaa sheegay in wasaaraddu xiriir dhaw la yeelan doonto SOMA ayna kala shaqayn doonaan barnaamijka wacyi-gelinta bulshada ee wasaaraddu garwadeenka ka tahay.

Xog-hayaha Guud ee SOMA Maxamed Cabduwahab, ayaa soo bandhigay taariikhda SOMA iyo aas-aaskeeda oo ku beegnayd 13 Feb 2013-kii, Xog-haye Maxamed wuxuu sharraxay wax-qabadkii SOMA ee 6-dii sano ee lasoo dhaafay, waxa uuna xusay in xubnaha SOMA oo midaysan ay wax badan ka qabteen wacyi-gelinta bulshada ku nool guud ahaan Soomaaliya.

Mr Cabduwahab ayaa sheegay in hadafka loo aasaasay SOMA uu yahay in hal farriin la gaarsiiyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed iyadoo loo marsiinayo xarumaha ku yaalla gobalada dalka oo idil.

Xafladda waxaa lagu soo bandhigay dood wadaag (Panal Discussion) lagu soo qaatay mawduucyo kala duwan oo ay soo jeediyeen aqoonyahanno khibrad u leh.

Waxaa si guud looga hadlay hal-ku-dhegga sanadkan ay u asteysay UNESCO ee ahaa : wadahadal, isu dulqaadasho iyo nabad ( Dialogue,  Tolerance and Peace), kaasoo laysla gartay inuu yahay hal- ku-dheg aad ugu habboon xilligan gaar ahaan Soomaaliya.

Ugu dambayn waxaa xafladda soo xiray una mahadceliyey kasoo qayb galayaasha xafladda gudoomiyaha SOMA Maxamed Cusmaan Makaraan, gudoomiyaha ayaa sheegay in maalinta Raadiyaha awgeed dhamaan Xubnaha SOMA loo qaybin doono qalabka wax lagu duubo kaa xarumaha ka saacidi doona inay cod taya leh duubaan kuna soo bandhigaan bulshada.

Gabagabada xafladda xubnaha SOMA ee xafladda joogay waxaa la gudoonsiiyey qalabka wax lagu duubo(MP3s), xubnaha warbaahinada ee aan goobta joogin ama gobalada xarumaha ku leh waxaa la sheegay in loogu gayn doono xarumahooda.

SOMA waxaa ku midaysan ku dhawaad 40 warbaahin oo ku kala yaalla Soomaaliya, tan iyo markii la aasaasay waxay sanad kasta qabataa xuska maalinta raadiyaha adduunka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan