Xayawaanka Libaax badeedka waa mid kamid ah xayawaanada ugu halista badan ee badda ku jira, walow markaan uu ugaar u noqday dalxiisayaal aan dan weyn kasii laheyn laftiisa.
Waayihii danbe waxaa isa soo tarayay ugaarsiga dadku ay u geystaan xoolaha iyo xayawaanaadka kale si ay sawiro ula galaan.
Habka sawir iska qaadista ee afka qalaad lagu yiraahdo Selfie ayaana saameyn kale sameeyay markii dalxiisayaal ay ugaarsadeen Libaax badeed, danta ay ka lahaayeenna uun ay ku ekeyd inay sawir la galaan kaddib marka ay kasoo bixiyeen badda oo xeebta dibaddeeda soo dhigeen.
Jamhuuriyadda yar ee Dominican ee dhacda Carribean ayayna qisadan layaabka reebtay ka dhacday, iyadoo la arkayay toddobo rag ah oo dalxiisayaalaa inay sawir lasoo galeen Libaax badeedka mowjadaha baddu xeebta kasoo tuureen, waxaana ku wehlinayay labo kamid ah ilaalaha xeebaha.
Bishii March haweeney ayaa dishay guumeys geesaleey Macedonia joogtay iyadoo garab kusoo dhegtay guumeysta oo haro ku jirtay si ay sawir ula gasho.
Sidoo kale horaantii bishii Febraury tiro dalxiisayaal ah ayaa helay hoomboro yar oo ku maashowday badweynta, hayeeshee iyagana fursad ayay u noqotay inay sawir la galaan.