Home / Macluumaad / Dalxiise Jarmal ah oo geeriyooday isagoo selfie isaga qaadayay fiinta sare ee buur dheer
Machu Picchu with Tourists

Dalxiise Jarmal ah oo geeriyooday isagoo selfie isaga qaadayay fiinta sare ee buur dheer

Dalxiisahaan reer Jarmal ayaa waqti nasiino ku qaadanayay buuraha Andes ee dhaca toga sare ee dooxada webileyda Urubamba oo ku taal deeganka Machu Pichchu ee dalka Peru.

Saraakiisha buuraha ayaa carabaabay in dalxiisahaan uu iska indha tiray amarada iyo sharciyada ay tahay in loo hogaansamo marka buuraha la korayo.

Buuraha Andes waxaa jiro goobo yar oo loo ogol yahay in sawirada la isaga qaado, hayeeshee dalxiisahaan ayaa fiinta sare ee buur cirif dheer sawir selfie ah isaga qaada, taa ayaana baday inuu halkaa kasoo dhaco oo dhulka uu naf la gaari waayo.

Shaqaalaha gurmadka degdega ayaana meydkiisa halkaa kasoo qaaday maallintii shalayto aheyd.

Bishii June toddobo ruux ayaa ku geeriyootay webiga Ganga xilli ay ku maqnaayeen inay galaan selfie iyadoo sidoo kale bishii December labo dhallinyaro ah uu gaari maray iyagoo iska qaaday selfie si ay u muujiyaan dayuurad waddada bartankeeda taagneyd.

Xigasho: nzherald.co.nz

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan