Home / Cayaaro / Dani Alves oo xiran doona No. 8-aad ee Barcelona, yaa lagu xasuustaa?

Dani Alves oo xiran doona No. 8-aad ee Barcelona, yaa lagu xasuustaa?

Himilo – Dani Alves ayaan u ciyaari karin Barcelona ilaa bisha January, laakiin kooxda ayaan wakhti isaga lumin in ay ku dhawaaqdo in uu xidhan doono maaliyada No.8 oo uu Andres Iniesta ku caanka noqday wakhtigii uu Camp Nou joogay.

Waxa cajiib ah, kani waxa uu noqon doonaa lambarka afraad ee Alves isaga oo u ciyaaraya Barcelona, isagoo soo xidhay No.20, No.2 iyo No.6 intii lagu jiray wakhtigiisii ugu horeysay ee kooxda.

Xaqiiqdii, 38-sano jirkaan ayaa qaatay funaanadda No.6 ka dib markii Xavi Hernandez uu ka tagay Barcelona kuna biiray Al Sadd 2015.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Alves uu xirto lambarka 8-aad ee kooxda, isagoo xirtay labadii xilli ciyaareed ee ugu horeysay ee Sevilla.

Ku guuleystaha billadda dahabka ee Olombikada 2021 wuxuu sidoo kale u soo ciyaaray Paris Saint-Germain iyo Sao Paulo.

Alves wuxuu ku guuleystay saddex koob oo UEFA Champions League ah 2009, 2011, 2015, saddex koob oo FIFA Club World Cup 2009, 2011, 2015 iyo lix horyaal oo La Liga ah oo cajiib ah 2009, 2010, 2011, 2013, 2015, iyo 2016.

Daafaca dambeedka midig ee halyeeyga ah ayaa xiran doona lambarka halyeeyadii hore ee Barca.  Lambarka 8 waxaa horey u xirnaa ciyaartoy badan oo muhiim u ah taariikhda kooxda Catalan, waxaana ka mida amaba ugu caansan

1 -Guillermo Amor (1995/96)

2 -Hristo Stoichkov (1996/97 – 1997/98)

3 -Celades (1998/99)

4 -Phillip Cocu (1999/00 – 2003/04)

5 -Ludovic Giuly (2004/05 – 2006/07)

6 -Andrés Iniesta (2007/08 – 2017/18)

7 -Arthur (2018/19 – 2019/20)

8- Miralem Pjanic ( 2020,)

9-Dani Alves (2021)

W/Q: Hanaa Maxamed Maxamuud

About Ahmed Haaddi

One comment

  1. He fell like a puff of smoke toward the center of the confrontation, The strength of ace inhibitors and arbs list this fat man is really strong levitra dispersable Kennecke H, Yerushalmi R, Woods R, et al

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan