Home / Caafimaad / Daanyeero xaday sample-da dhiiga dadka qaba COVID19

Daanyeero xaday sample-da dhiiga dadka qaba COVID19

Himilo ­­­­­­­­­­­­­­­­­– Koox daanyeera ah oo ku nool dalka Hindiya ayaa weeraray Sheybaar lagu baaro dadka isaga shakisan Feyruska Karoona halkaas oo ay ka xadeen sambalo dhiig ah oo laga qaaday seddax bukaan oo qaba Feyruska.

Muqaalo laga qaaday dhacdadaasi ayaa muujinaya Daanyeerada oo xadaya sample-da dhiigga ah iyo gacma gashi, kuwaas oo la saaray geed aan ka fogeyn halka uu ku yaalo Sheybaarka, waxaa muuqaalka mar danbe lagu baahiyay baraha Bulshada.

Sheekadan ayaa ka dhacday Sheybaar ay maamusho dowlada Hindiya oo ku yaala gobolka ugu dadka badan ee Uttar Pradesh. Dhacdadan waxey walaac ku abuurtay dadka ku nool degaankaasi.

Mid ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgasha Sheeybaarka Meerut ayaa u sheegay India Today TV “Daanyeerada ku nool gobolka waa kuwa halis ah,mana aha markii ugu horeysay oo ay sameeyeen fal noocaas ah”.

Waxa uu raaciyay inaanan wali la helin qaar ka mid ah sampalada dhiig oo ay qaateen Kooxda Daanyeerada ah,taas oo abuuri karta Qatar Caafimaad.

Walaaca ugu wayn ayaa ah in Daanyeeradaasi qaadaan Feyruska Carona,kadibna u sii gudbiyaan bini’aadamka.

About Ahmed Haaddi

One comment

  1. finasteride 5 mg for sale Western nations believe ithas caches of undeclared mustard gas, sarin and VX nerve agents

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan