Himilo – Cilmibaaris ay sameeysay shirkadda baarista ee Gallup, ayaa waxaa lagu ogaaday welwelka ay dadka ku nool caalamka ka qabaan cunada ay sida maalinlaha ah u quutaan.
Natiijada daraasadda oo afti lagu weydiiyay 150-kun oo ruux oo ku kala sugan 142-dal, ayaa noqotay in 61% dadkaasi ka walaacsan yihiin badqabka cuntada ay qaataan, halka 51% ay ka welwelsan yihiin saafinimada biyaha ay cabaan.
17% jawaab-bixiyaasha oo u dhigma hal bilyan ka mid ah shaqsiyaadka ku nool dunida, waxey ka sheegteen waxyeelo kasoo gaartay cunno ay qaateen, iyagoona 14% oo u taagan 823-milyan oo ruux ay si ba’an ugu waxyeeloobeen cabista biyo saafi ahaantooda la hubin.
Dadka ugu badan ee mushkiladaasi wajahaya waxey ku nool yihiin bariga Africa, waxaa ku xiga kuwa ku nool bariga dhexe.
Sida ay sheegtay FAO, ku dhawaad 3-milyan oo ruux ayaa sanadkii u geeriyooda cunno wasakheysan oo ay qaateen, halka 600-milyana ay la xanuunsadaan. Waxaa wehliya 485,000 oo ruux oo ay sheegtay WHO inay u dhintaan biya calaw ah oo ay cabeen.