Himilo – Covid-19, oo galaaftay nolosha hal milyan oo ruux asiibayna 38.6-Milyan oo kale wali looma helin wax tallaal ah amaba dawo lagula tacaalo.
Cilmibaaris cusub oo ay sameysay waaxda caafimaadka ee iskuulka Columbia Mailman School, ayaa lagaga digay cawaaqibka laga dhaxli karo dadaalka soconaya oo guul dareeysta.
Waxaa lagu sheegay in Covid-19 uu awood u leeyahay inuu noqdo cudur ku raga qofka uu ku dhaco, si lamida macaanka amaba sokowga, kaas oo dadka uu ku dhaco la noolaadaan in muddo ah.
Waxey taaso ka dhigan tahay sida daraasaddu xustay in xanuunku kusoo noqnoqon karo jirka aadanaha.
“Haddii ay cadaato in qofku dib u qaadi karo feyruska SARS-CoV-2, lana waayo tallaal waxtar leh oo wada gaara dunida oo dhan, waxey u badan tahay in cudurku dib u dego jirka noqdana mid ku raaga” ayuu yiri qoraagga cilmibaaristan.
Waxaanan wali lagu guuleeysan soo saarista tallaal waxtar leh oo lagula tacaalo cudurka Covid-19, inkasta oo ay soconayaan dedaalo xoogan oo lagu baadigoobayo.