Home / COVID 19 / Daraasad: Dadka guriga ku wada nool si fudud ayey isugu gudbin karaan feyruska Karona

Daraasad: Dadka guriga ku wada nool si fudud ayey isugu gudbin karaan feyruska Karona

Himilo – Feyruska Karona waxa uu si guud oo fudud ugu dhex faafi karaa xubnaha halka guri wada degan haddii midkood uu qaado, sidaasi waxaa lagu sheegay cilmibaaris ay sameysay xarunta ka hortagga iyo xakameynta cudurada Mareykanka.

53% dadka la nool ruuxa qaba Covid-19 waxey ku qaadi karaan xanuunka todobaad guduhii, sida lagu ogaaday sahankan soconayay lixda bil oo ay ka qeyb galeen 191 ruux oo wada deganaa.

Daraasadda ayaa lagu sheegay in qofkii qaada amaba isaga shakiya Covid-19 ay tahay inuu is karantiilo kahor inta uusan sameyn baaritaanka iyo xittaa kahor inta uusan helin natiijada barista, si uu u ilaaliyo dadka kula nool gurigga.

 “Ruuxa qaba Covid-19 oo is karantiilaa waxey yareyneysaa in cudurka la isku gudbiyo, qofka isaga shakiya inuu qaaday feyruska waxaa qasab ah inuu is karantiilo, guriga joogo, haddii ay suuragal tahayna adeegsado qof jiif iyo musqul oo u gaar ah” ayey ku taliyeen kooxda sameysay daraasadan.

Waxey raaciyeen, xubnaha qoyska dhammaan waa iney isticmaalaan Af-saab marka la wada joogo meelaha lagu kulmo sida daashka amaba barandada guriga.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan