Home / Daraasad / Daraasad: Kangaroo waxaa la bari karaa habka loola xiriiro Aadanaha

Daraasad: Kangaroo waxaa la bari karaa habka loola xiriiro Aadanaha

Himilo – Xayawaanka ka tirsan bah Naasleey ee dheereeye ee Kangaroo waxaa la bari karaa habka loola xiriiro bini’aadamka si la mid ah kuwa dabjooga ah oo tusaalle looga dhigi karo Eyga, sidaasi waxaa lagu shaaciyay cilmibaaris la sameeyay.

Si natiijadan loosoo helo ayaa waxaa tijaabo la mariyay 11 kangaroo, kuwaas oo la hor dhigay weel xiran oo ay cuno ku jirto, sagaal ka mid ah ayaa markii ay arkeen inuu xiran yahay weelku eegay dadkii goobta joogay dabadeedna fiiriyay weelkii cuntada, taas oo cilmibaarayaashu u fasireen tilmaam ay ku codsanayaan caawinaad.

“Waxaan taasi u fasirnay hab ka mid ah tabooyinka lagu wada xiriiro, codsi caawinaad” Alan McElligott, oo ah hogaamiyaha cilmibaaristan ayaa sidaasi u sheegay Reuters. “Xayawaannada duurjoogga ah lama filayo iney u dhaqmaan sida ku la nool aadanaha waana sababtaas tan layaabka leh”ayuu sii raaciyay.

Cilmibaarista ayaa lagu soo gabagabeeyay in kaliya xawayaannada dabjoogga ah aysan isku dayi karin iney caawinaad weydiistaan aadanaha marka ay mushkilad qabsato, laakiin kangaradana sidaas ay sameyn karaan.

Kangaroo waa xayawaan ku nool duurka wadamada Australia iyo New Guinea oo dheereeya, kaaso oo saacaddiiba ka gudbi kara dhul gaaraya 70 kilo mitir. Waxaa bini’aadamku ku intifaacsadaa haragiisa oo laga sameeyo banooni, lafahiisaa iyo xittaa hilibkiisa.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan