Daraasad: Sanadka 2050 kala bar dadka dunida wey cayili doonaan

Himilo – Caadooyinka cunta cunis ee dadyowga caalamka ayaa sabab u noqon doonta in tiro ka badan afar bilyan oo ruux ay noqadaan kuwa cayilan sanadka marka uu gaaro 2050-ka, daraasad cusub ayaa sidaasi tilmaameysa.

Sahanka ayaa lagu sheegay in 1.5 biyan oo ka mid ah dadkaasi ay gali doonaan xaalad cayil xad dhaaf ah, halka 500 milyan oo kalena ay macluul la daalaadhici doonaan.

Machadka PIK ee fadhigiisu yahay Jarmalka oo daraasadan sameeyay, ayaa u sababeeyay isbadelkaasi dadka dunida ku nool oo ka weecday isticmaalka cunooyinka dhulka laga soo saaro ee aanan la marin warshadaha sida khudaarta, taasi oo ku keentay iney cunaan cunto aanan isku dheeli-tirneen.

Saadaashi ayaa saansaanteeda kal hore la dareemay, oo sanadkii 2010, 29% dadka ku nool caalamka waxey ahaayeen kuwa cayilan, tirada ayaana sii kordheysay sanadba kan ka danbeeya sida lagu xusay daraasaddan oo natiijadeeda lagu daabacay Daily Mail.

Kororka cayilka dadka waxaa sii kordhinaya xanuunada raga sida wadne xanuunka, sokorowga iyo Covid-19 oo qudhiisa door firfircoon ku leh.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan