Himilo – Caadooyinka cunta cunis ee dadyowga caalamka ayaa sabab u noqon doonta in tiro ka badan afar bilyan oo ruux ay noqadaan kuwa cayilan sanadka marka uu gaaro 2050-ka, daraasad cusub ayaa sidaasi tilmaameysa.
Sahanka ayaa lagu sheegay in 1.5 biyan oo ka mid ah dadkaasi ay gali doonaan xaalad cayil xad dhaaf ah, halka 500 milyan oo kalena ay macluul la daalaadhici doonaan.
Machadka PIK ee fadhigiisu yahay Jarmalka oo daraasadan sameeyay, ayaa u sababeeyay isbadelkaasi dadka dunida ku nool oo ka weecday isticmaalka cunooyinka dhulka laga soo saaro ee aanan la marin warshadaha sida khudaarta, taasi oo ku keentay iney cunaan cunto aanan isku dheeli-tirneen.
Saadaashi ayaa saansaanteeda kal hore la dareemay, oo sanadkii 2010, 29% dadka ku nool caalamka waxey ahaayeen kuwa cayilan, tirada ayaana sii kordheysay sanadba kan ka danbeeya sida lagu xusay daraasaddan oo natiijadeeda lagu daabacay Daily Mail.
Kororka cayilka dadka waxaa sii kordhinaya xanuunada raga sida wadne xanuunka, sokorowga iyo Covid-19 oo qudhiisa door firfircoon ku leh.