Home / Macluumaad / Darawal baxsad ka ahaa Askarta oo gaarigii uu kaxeynayay la galay waddo dhulka hoos marta
A 27-year-old man was arrested for allegedly failing to stop after this car got wedged in a tunnel. Officers from Gwent Police made an arrest in the early hours of Wednesday morning while they were on patrol in Caerphilly. © WALES NEWS SERVICE

Darawal baxsad ka ahaa Askarta oo gaarigii uu kaxeynayay la galay waddo dhulka hoos marta

27 jir watay gaari yar oo nooca raaxada ah ayaa loo dhigay xabsiga kaddib markii uu ku guuldareystay in gaariga uu u kaxeeyo si degenaan ah isagoo ku socdaalayay waddo weyn oo kaxeynta xawaaraha sare laga mamnuucay.

Booliska ayaa gaariga u tilmaamay inuu hakado si loo hubiyo in darawalku uu u dhameystiran yahay sharciga wadista gaariga iyo in aanu sarqaansaneyn oo  maandooriye uusan soo isticmaalin.

Astaamihii booliska iyo fariintoodii ayuu dhegaha ka fureystay, taa ayaana horseeday inay boolisku eryadaan walow gaariga uu ku kaxeynayay masaafo dhan 87 mph.

Ugu danbeyn ninkan  oo aan la magac dhabin ayaa gaarigii la galay waddo dhulka hoostiisa marta oo ku taalla Caerphilly, Wales.

Sarkaal booliska ka tirsan oo lagu magacaabo Gavin Clifton ayaa saxaafadda u sheegay in ninkan oo la dhigay xabsi loo heysto qaabkii uu gaariga u kaxeeyay iyo amar diido boolis.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan