Home / Macluumaad / Darawal gaarigiisa u isticmaalay naqshadda ambalaas oo lagu riday xukun

Darawal gaarigiisa u isticmaalay naqshadda ambalaas oo lagu riday xukun

Gaari wadahan Ingiriiska u dhashay ayaa gaarigiisa u soo midab egaysiiyay ambalaas si uu marinnada mashquulka badan dhaqsi uga gudbo.

Shaun Scandle wuxuu go’aan ku qaatay inuu midabeeyo gaarigiisa raaxada oo uu u qaab egeysiiyo gawaarida gurmadka degdegga isagoo dusha sarena kaga soo xiray leerar buluug ah, wuxuuna si dheer ugu xawaareyn jiray waddooyinka iyadoo dadku ay u baneyn jireen xilli ay moodayeen gaari gurmad ah oo gargaar degdeg ah fulintiisa u dhaqaaqaya.

Kaameradda qarsoon ayaase soo qabatay gaarigan cad ee la midabeeyay oo xawaare sare ku soconaya goor walba isagoo aan sidin cid ka sokow kaxeeyaha.

Ciidamadda booliska Northumbria, Waqooyi bari Ingiriiska ayaa u kuur galay xaalka 31 jirkaan iyagoo xiriir la sameeyay shirkadda gurmadka degdegga  North East Ambulance Service, oo u xaqiijiyay gooraha samxadda badan waqtiga orodka inaanay gawaari ka joogin.

Baaritaano dheer kaddib booliska ayaa soo ogaaday in Shaun Scandle oo ka fakanayay inuu ka badbaado waqti ku luminta waddada ciriiryoon uu maskaxdan u adeegsaday inuu ku qiyaano cid walba oo ay kamid yihiin ciidanka ilaalada wadooyinka.

Ninkan oo leh tukaan lagu iibiyo agabyada gurmadka degdegga ayay boolisku ku xukumeen ganaax lacageed dhan  £1,000.

Taliyaha qeybta booliska Sergeant Alan Keenleyside ayaa saxaafadda u sheegay in qorshaha ninkaan uu ku maareeyay inuu kaga talaabo booliska iyo shacabka oo ay ka muuqato dabin ilbaxnimo ku laran tahay ay iyaga ka yaabiyas, feejignaan xooganne ay geli doonaan.

 

Xigasho: Metro.co.uk

W/T: Nasri Ahmed

Speed03623@gmail.com

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan