Muqdisho – Dasrath Manjhi, beeraley Hindi ah ayaa dhigay taariikh cusub kadib ku dhawaad 20-sanadood oo ay ku qaadatay inuu buur ku kala dhanbalo Burus, Dubbe iyo wixii lamid ah – si uu jid ugu sameeyo bulshadiisa kuwaas oo dowladdu u diiday.
Haddii aad raadineyso sheekooyin qiira leh, majirto sheeko ka qiiro badan midda Dasrath Manjhi.
“Buurtan waxay muddo qarniyo ah nagu heysay dhibaato. Dowladda waxaan marar badan weydiinnay inay waddo nooga sameyso. Basle qofna il goonni ah kuma fiirin. Waxaan marka go’aansaday inaan anigu sameeyo,” Manjhi ayaa u sheegay Indian News Paper sanadkii 2007-da, in yar kahor intuusan la dhicin xanuunka Kansarka. Adeegsiga qalabyada caadiga ah sida Godin, Burus, Dubbe iyo wixii lamid ah, ninkan halyayga ah wuxuu awooday in meel mar ahaan jirtay buur adag uu ka dhigo jid la qaadi karo.
Buurtani waxay daganayaasheeda ka dhigtay kuwa ka takooran inta kale – kuna adag tahay inay si fudud kusoo gaaraan fulashada baahiyahooda sida suuqeysiga. Waxayna ku qaadan jirtay saacado inay ku yimaadaan. Carruurta waxay dugsiga u socon jireen fogaan dhan 8 kilomitir, hayeeshe mahad waxaa loo celinayaa dadaalka Dasrath Manjhi. Jidkaasi wuxuu noqday mid fudud. Hadda in ka badan 60 xaafadood ayaa maalin kasta adeegsada.
Hayeeshe maxaa qof kaliya ku qaadi kara in howshan adag uu naf-hurnimo ku xaqiijiyo? Dasrath ahaan, waxay aheyd jaceylkii uu u qabay afadiisa. “Xaaskayga Faguni Devi, ayaa ku dhaawacantay mar ay dulmaraysay buurtan si ay biyo iigu keento; maalintaas kadib waxaan isku dayay inaan xal raadiyo. Waxaana go’aansaday inaan is-baddal sameeyo,” ayuu yiri.
Nasiib-darro, xaaskiisii uu jeclaa mahelin waqti ay ku aragto mirihii ka dhashay dadaalkii seygeeda. Waxay dhowr waqti kadib u geeriyootay xanuunkii kasoo gaaray buurta waayo lama awoodin in loo qaado isbitaal waqtigii loo baahnaa.
Laxawga tiiraanyada uu ka dhaxlay dhimashada afadiisa waxay ninkani ka dhigtay inuu sii xoojiyo diiradda uu saartay xaqiijinta goolkiisa. Waxaana xusuusta dadkii waagaas la joogay xaafaddiisa. “Waxa igu qaaday dhiirrashada ayaa ah inaan mar un ku han weynaa inaan arko dadka xaafadayda oo si dhib yar ku mara mar kasta oo ay doonaan jid looga bixiyo buurtan,” ayuu Manhaj ku yiri wareysi uu bixiyay.
In kasta oo laga yaabo in dadku gurmad ula baxaan qofka u qidmeynaya, hadana Dasrath Manjhi lama aheyn mid uu sugo. Ugu horreynba, dadku way ku masuugi jireen xoogooda; iyaga oo ku sheegaya inuu yara xanuunsaday. Balse wax-yar kadib markii ay arkeen natiijada soo muuqan karta, waxay la garab istaageen wax qabadkooda. Hadana waxay kula naaloodaan dadaalka uu u bixiyay noloshooda.
Manhaj waligiis kama mahelin aqoonsi dowladda Hindiya oo ku aadan halgankiisa – xittaa aas qaran markii uu dhintay sanadkii 2007. “Wixii aan sameeyey waa mid qof kasta uu arki karo. Marka Eebe kula jiro, qofna kuma joojin karo,” Dasrath Manjhi ayaa mar yiri. “Marna kama cabsan ciqaab inay iiga timaado dhnac kamid ah maamullada dowladda; waligayna ma daneynin in laygu abaal-gudo wixii aan qabtay.”
Waxay ku qaadatay 22 sanadood inuu hadafkiisa ku rumeeyo adeegsiga xooggiisa.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com