Home / Arrimaha Bulshada / Da’yarta ugu lugaha dheer caalamka

Da’yarta ugu lugaha dheer caalamka

Himilo – 17-jir kasoo jeedda gobolka Texas ee dalka Mareykanka, ayaa magaceeda lagu daabacay buugga Guinness World Records ee lagu keydiyo xogta dadka leh sameyska iyo hibada gaarka ah, amaba sameeya tijaabooyinka guuleysta.

Maci Currin, ayaa loo aqoonsaday haweeneyda iyo da’yarta ugu lugaha dheer caalamka.

Currin, ayaa lugteeda bixid waxey dhirir ahaan gaareysaa 4-feet iyo 5.25-inche, halka teeda midigna tahay 4-feet iyo 4.87-inche, sida ay sheegtay shirkadda maamusha Guinness World Records.

Munaasibad kooban oo lagu gudoonsiinayay laba shahaado, ayey ka sheegtay in maalin uun rajeyneysay in loo aqoonsado haweeneyda ugu lugaha dheer caalamka.

Dhirirka lugaha bini’aadamka ayaa gaara 2.5 feet iyo 29.5 inche, taas oo ka dhigan in lugaha gabadhan ay ka dheer yihiin kuwa aadanaha 1.5 feet oo u dhiganta 0.46-mitir.

Hadda waxey raacdo ugu jirtaa Maci Currin, sidii ay u noqon lahayd haweeneyda ugu lugaha dheer caalamka ee xayeeysiisa dharka.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan