Home / Habka-Nolosha / De Gea oo aaminsan in Rashford magac weyn uu ku sameyn doono kooxda United

De Gea oo aaminsan in Rashford magac weyn uu ku sameyn doono kooxda United

David de Gea, darbad hakiyaha kooxda Manchester United ayaa aaminsan in da’yarka koox wadaaga ay yihiin ee Marcus Rashford uu taariikh xoog leh ku sameyn doono kooxda Manchester United.

18 jirka Rashford ayaa si layaab leh ula qabsaday kooxda koowaad ee United oo boos joogto ah uu ka helay tan iyo bishii Febraury, wuxuuna shabaqa dhex dhigay toddobo gool kaddib 12 kulan oo uu horyaalka dheelay.

Kaddib guushii uu kooxda gaarsiiyay Rashford kulankii ay ka hortageen Aston Villa, De Gea oo la hadlay MUTV ayaa yiri “Waa lama rumeystaan, maya?. Xiddigaan runtii aad buu u yaryahay goolal badan ayuuna dhaliyay,”

“Waxaan ku rajo weynahay in sanado badan uu kooxdaan ku sii sugnaan doono, kooxdan ayuuna ku sameyn karaa taariikh weyn. Wuu xishood badan yahay, waana koox wadaag aad u wanaagsan.”

Qaab cayaareed cajiib ah ayuu Rashford soo bandhigay, fursadda uu helay ayuuna uga mahad celinayaa macallin Van Gaal oo isaga siyay fursaddan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan