Home / Habka-Nolosha / DEG-DEG: Manchester City Oo Xaqiijisay Saxiixa Daafacii Everton John Stones

DEG-DEG: Manchester City Oo Xaqiijisay Saxiixa Daafacii Everton John Stones

City ayaa ku dhawaaqday iney dhameystirtay saxiixa daafacii Everton John Stones kaas oo Etihad Stadium ku yimid aduun dhan 47.5 Malyan Oo Pound.

Manchester City ayaa dhawaanahamba ka ruud joogtay John Stones, 22-jirkaan xiran doona numberka 24-aad.

John Stones ayaa noqday saxiixii sideedaa ee Manchester City xagaagan waxaana kooxda kaga horeeyay Ilkay Gundogan, Nolito, Aleksandar Zinchenko, Aaron Mooy, Leroy Sane, Gabriel Jesus, Marlos Moreno.

” hadda waxaan ahay xidig manchester city ka tirsan, waana ku faraxasnahay inaan ika mid noqdo” ayuuna yiri Cayaaryahanakaan.

waxa uuna u mahad celiyay Kooxdiisii hore ee Everton ” waayo aad u macaan ayaa kusoo qaatay Everton, taageerayasha iyo kooxdaba aadbaan u jeclahay, balse hadda wax walba waxaan siin doona City.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan