Kooxda kubadda cagta Elman ayaa booska toddobaad kaga dhameysatay kala horeynta horyaalka Soomaaliya xagaagii idlaaday, iyadoo awoodi la’ayad saddex sano oo xiriir ah inay horyaalka hanato.
Inkastoo kooxda Elman ay tahay kooxda ugu guulaha badan horyaalka intii ka danbeysay sanadkii 1991, misna musiibooyin isdaba joog ah ayaa kooxdan ku habsaday.
Si isku shaandheyn xoogan iyo isbedel ay kooxdu u sameyso waxay go’aansatay in ay iska dirto tiro cayaartoy ah oo kooxda ula joogay qaab amaah ah iyo kuwo kooxda ku joogay heshiisyo rasmi ah.
14 cayaartoy ayaana maanta si rasmi ah kooxda looga diray.
Cayaartoyda la diray ayaana kala ah:
Ahmed Nuur Cabdulle
Ataf Cabdinur Geeseey
Abdiladiif Nuur Mohamed
Abdikhalif Cabdullahi Cabdi
Cabdifataax Xuseen Carab
Daadir Salaad Cawaale
Cabdi Ibrahim Mohammed
Ducaale Cumar Ducaale
Kuluu Abdirahman Kuluu
Mohammed Ibrahim Cabdulle
Saciid Cabdullahi Cali
Xasan Maxamed Xasan
Yusuf Mohammed Diiriye (Sanyuura )
Yusuf Mowliid Muxiudiin.