Home / Habka-Nolosha / Degmada Shibis oo usoo baxday fiinaalka tartanka kubadda Cagta degmooyinka 2018 + Sawirro

Degmada Shibis oo usoo baxday fiinaalka tartanka kubadda Cagta degmooyinka 2018 + Sawirro

Muqdisho – Degmada Shibis ayaa   iska xaadirisay  fiinaalaha tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka   Banaadir  kadib markii ay rigoorayaal kaga libin heshay degmada  Shangaani.

Labada  degmo oo  garoonka Banaadir ku yeeshay kulanki labaad ee  afar-dhamaadka tartanka ayaa   waqtigii loogu talo galay ciyaarta isku mari waayay barbaro goolal la’aan ah waxaana loo dhigay  gool-kulaad.

Shangaani oo tuurashada ku horaysay ayaa lumisay tuurashadeedi seddaxaad,  waxaana ka qasaariyay  Cabdimaalik Cumar  Cabdi oo  laf –dhabar u ahaa in ay shangaani heerkan soo gaarto.

Shibis oo ay   gool-kulaadyada u tureen shanti laacib ee kulanki  wareegga ee ay  Wdajir kaga adkaadeen ayaa ka  faa’iidaystay fursadeeda, waxayna   5-4 ugu gudubtay fiinaalka tartanka.

Shibis ayaa   fiinaalka tartanka waxay  habeenka arbacada ay khamiista soo galeyso la qaadan doontaa degmada Waaberi oo tartanka daafacanaysa.

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan