Home / Macluumaad / Degmo gabadhii ku dhalataba loo beero geedo dhan 111 xabo.

Degmo gabadhii ku dhalataba loo beero geedo dhan 111 xabo.

Muqdisho – Tiiyoo aqlabiyadda Hinduuga ee ku nool Hindiya ay wali doorbidaan wiilasha, xaafad yar oo ku taalla Rajasthan waxay leedahay dhaqan gaar ah oo ay ugu dabaal-degaan gabdhahooda.

Taniyo sanadkii 2006, daganayaasha xaafadda Piplantri oo dhacda koofurta degmada Rajsamand ee gobalka Rajasthan, waxay beeraan 111 geed si gabadhii dhalata loogu dabaal-dego.

Siinta celcelis dhan 60 gabdhood in lagu dhalo degmada sanad kasta, daganayaashu waxay maareeyeen tallaalista geedo ka badan 300,000. Bulshada gaaraysa 8,000 ee qof waxay sidoo kale u kuur-galaan hubsashada in geeduhu nolol helaan.

Dhaqanka quruxda leh waxaa bilaabay duqii hore ee degmada, Shyam Sundar Paliwal oo xus uga dhigay gabadhiisa geeriyootay inuu beero geedaha. Marka laga reebo beerista, waxaa jira guddi gaar ah oo wacyiga qoysaska ee la xiriira gabdhaha kor u qaada.

Dadka degmadan waxay qaadaan tallaab kasta oo lagu ilaalinayo dhowrista geedaha la beero. Waxayna tusaale u noqdeen inta kale ee wali ku dhagan dhaqanka jecleysi ee wiilasha iyo xurmayntooda.

Sheekada degmadan waxay na xusuusinaysaa qisada dhaqtarka sida lacag la’aanta ah ku dhaliya haweenka umula gabdhaha.

Piplantri-village2-550x320 Piplantri-village3-550x366

Qore: Zakariya Xasan Maxamed ‘Hiraal’

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan