Home / Habka-Nolosha / Dekedda iyo Saxafi oo galabta isku haya horyaalka Soomaaliya

Dekedda iyo Saxafi oo galabta isku haya horyaalka Soomaaliya

Kooxaha kubadda cagta Dekadda iyo Saxafi ayaa galabta wada cayaari doona kulan ka tirsan horyaalka kubadda cagta Soomaaliya.

Cabdi Joon iyo Cabdi Kuus oo waayahoodii cayaartoynimo koox wadaag ahaa ayaa kulankan galabta iska hor imaan doona.

Labada kooxoodba waxay indhaha ku hayaan inay kulankan guuleystan kaddib wixii helay toddobaadkii tegay.

Dekedda oo labo gool kala hormartay Horseed ayaa daqiiqaddii u danbeysay la barbareeyay, halka Saxafi ay iyana is dhaafisay fursad ay saddexda dhibcood uga heli kartay Signjet toddobaadkii tegay.

Ogsoonow kooxda Saxafi weligeed kulan rasmi ah kama aysan adkaan dhigeeda Dekedda waxaana ay raadineysaa inay dhibco saddex gaaraya goortii u horeysay ka hesho kulankan.

Kulanka ayaa lagu dheeli doonaa gegada Banaadir saacadda geeska Afrika marka ay tahay 3:30 galabnimo.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan