Home / Habka-Nolosha / Dekedda oo booska labaad ka dharbaaxatay Jeenyo

Dekedda oo booska labaad ka dharbaaxatay Jeenyo

Kulan xiiseed dagaal uu ku larnaa, kumanaan taageerayaal ahna ay kasoo qeyb galeen ayaa bugcadda Banaadir galabta ku dhexmaray kooxaha Jeenyo iyo Dekedda.

Labada kooxood ayaa wada fadhiyay booska labaad ee kala horeynta horyaalka, iyagoo wadaagayay min 32 dhibcood.

Qeybtii hore ee cayaarta oo xoog iyo dagaal uu ka muuqday waxay kusoo idlaatay barbaro goolal la’aan ah.

Daafaca adag ee Dekedda u xirta lanbarka 7aad Idiris Amiin Cali ayaa daqiiqaddii 68aad gool shabaqa u dhigay kooxda Dekedda oo hogaanka cayaarta la wareegtay.

Daqiiqaddii 81aad gacan ka hadal ayaa dhexmaray daafaca Dekedda Idiris Amiin iyo weeraryahanka Jeenyo Feysal Xasan Xaashi, Garsoore Xasan Yabarow Wiish ayaana labada laacib ku abaalmariyay kaarka cas, cayaartana ka saaray.

Ilbiriqsiyo kaddib laacibka lanbarka 16aad u xirta Dekedda Bashiir Aadan Iimaan ayaa isna cayaarta laga saaray markii uu qalad ku galay wiilka garabka weerartama Maxamuud Cabdinuur Neyman oo Jeenyo metela.

Cayaarta ayaase kusoo dhamaatay gool iyo eber oo guushu ay ku raacday Dekedda oo iminka booska labaad xoreysatay, saddex dhibcoodna u jirta hogaamiyaasha Banaadir SC.

Waa guushii u horeysay oo Jeenyo ay ka gaartay kaddib siddeed is arag oo labada garab ay hujuun isku qaadeen.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan