Dele Alli oo ku guuleystay abaalmarinta da’yarka sanadka horyaalka Ingiriiska

Qadka dhexe ee weerartama ee kooxda Tottenham Dele Alli ayaa loo magacaabay da’yarka xagaagan 2015/16 ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska.

20 jirkaan ayaa qaadanaya xagaagiisii u horeeyay ee Premier League kaddib markuu kasoo dhaqaaqay kooxda MK Dons oo uu kusoo biiray kooxda waqooyiga London ka dhisan.

10 gool ayuu xagaagan horyaalka ka dhaliyay, sagaal kalena caawin ayuu ka geystay, mana jiro xiddig kale oo kubad sameeye ah oo xagaagan sidaa sameeyay.

Abaalmarinta wuxuu ka dhaxlay saaxiibkiisa kooxda Harry Kane oo xagaagii hore hantay, sidoo kale 2012-2013 wiilkii hore ee Tottenham Gareth Bale ayaa u dabaal degay, iyadoo hogaamiyaha qaranka Saddexda Libaax Rooney uu labo goor hantay abaalmarintan.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan