Himilo – Dele Alli, ayaa todobaadkii labaad ka maqan shax ciyaareedka macalinka Tottenham ee Jose Mourinho, iyadoo ay jiraan warar la isla dhex marayo oo ku aadan mustaqbalka xiddigan.
24-jirkan ayaan sabab aanan la shaacin ku seegay kulankii kooxda Spurs 5-2 kaga adkaatay Southampton, kaas oo ka dhacay garoonka Saint Mary’s Stadium.
Markii uu ciyaaray qeybtii hore, ayaa la badelay Alli kulankii furitaanka ahaa ee guul darrada loo huwiyay Tottenham, markaas oo 0-1 kaga adkaatay Everton.
Waxaa soo baxay dhawaanahan warar tilmaamaya in Dele uu wadahadal la furay koox kale, inkastoo warkaasi uu beeniyay macalin Mourinho.
Jose, isaga oo la hadlayay Sky Sports News, ayuu sheegay “waxaan rumeysanahay inuu sii joogi doono kooxda ma dhihi karo aniga ayaa ka dhaadhiciyay inuu sii joogo.”