Himilo – Mas’uuliyiinta Dutch-ka ayaa amray in la bireeyo 190-kun oo digaag ah kaddib markii kiisas la xiriira herkabka shimbiraha laga soo wariyay laba beer oo lagu dhaqo digaagga.
Wasaaradda Beeraha ayaa sheegtay in shaqaalaha caafimaadka ay gowraceen ku dhawaad 100-kun oo lagu xanaaneeynayay beerta Hekendorp eek u taala banaanka Gouda, halka sidoo kalena la qalay 90-kun oo kale oo lagu hayay waqooyiga Friesland.
Labadan gooboodba waxey xudun u yihiin feyruska halista badan ee H5 ee dhaliya herkabka shinbiraha, si looga hortago inuu faafana waa la nadiifiyay, sida lagu tilmaamay qoraalka Wasaaradda.
Herkabkan oo mar la arag ah ayaa ka dilaacay beeraha shinbiraha Natherland wixii ka danbeeyay Oktoobar-tii in dhaaftay, waxaana badanaa loo sababeeyaa shinbiraha haajira ee dalkaasi taga, kuwaas oo ka taga deegaano kala duwan.
Kiisaska H5N8 ayaa culeys kale ku noqday dowladda Denmark oo markii horaba dagaal kula jirtay coronavirus, kaasi oo maalinkii ay qaadaan 6-kun oo ruux.