Home / Macluumaad / Dhabbaha Jaceylka – Tunnel of Love

Dhabbaha Jaceylka – Tunnel of Love

Muqdisho – Dhabbaha Jaceylka waa marin dhabbe-bireed qurux badan oo ku yaalla magaalada Klevan ee dalka Ukraine. Waxaa dhex-mara waddo Tariin oo barabaxan fogaan dhan saddex kilomitir oo ku dhamaada bartanka warshad sameysa biraha iyo fiilooyinka.

Roorku ama tariinku wuxuu kusoo noqdaa saddex jeer dhabbaha si uu alwaax u geeyo warshadda. Si kastaba, geedaha isku dhereran ee laba doc kaga teedsan wadada, ayaa muuqaal cagaaran ka dhigay goobta—taas oo soo jiidata lammaanayaal badan—iyo sidoo kale sawir-qaadayaal usoo hilooba ku il-doogsiga Dhabbaha Jaceylka.

Waxaa la tilmaamaa in haddii adiga iyo lammaankaaga aad timaadaan Dhabbaha Jaceylka oo aad wax naawishaan—ay niyadiinu idin rumeyn doonto. Tani waxaa laga yaabaa inay tahay goob lagu ababiyo kal-gacalka ugubka ah.

Tunnel-of-Love-in-Ukraine-2 Tunnel-of-Love-in-Ukraine-2

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan