Barnaamijka dooda himilo waa barnaamij si bila ah uga baxa idaacadda himilo, waxaana ku soo qaadanaa qaddiyadaha xasaasiga ah ee taabanaya shacabka soomaaliyeed si loo soo bandhigo xalkooda.
Bishaan Barnaamijka waxa uu ku saabsanaa muranka xuduud badeedka soomaaliya iyo kenya oo is heysadka labada dawladood uu gaaray maxkamadda cadaaladda aduunka ee ku taala dalka Holland.
Waxaana ka qeyb qaatay doodda dad aqoon durugsan u leh qaddiyadaan haddii ay ahaan laheyd sharuucda caalamiga, juquraafi ahaan iyo waliba siyaasiyan.
Martida barnaamijka ka qeyb galay waxa ay kala ahaayeen:
Dr. Abdirahman Wardheera (Dr, Faradar) oo arimaha sharciga ku xeel dheer Bara jaamacadeedna ah
Dr. Abdirahmaan Sh. Ahhmed (Dr, Badawi)oo falanqeeya siyaasadda soomaaliya iyo tan caalamka
Iyo Ustad, Abdiaziz oo isana ku xeel dheer cilmiga Juquraafiga darajada labaad ee jaamacaddana ka gaaray.
Halkan Hoose Ka Dhageyso:-