Barnaamijka Howl iyo Himilo waa toddobaadle aad laba goor ka dhageysataan idaacadda Himilo.
Waxaynu uga hadalnaa oo alaa diiradda aynu ku saarnaa mid kamid ah adeegyada bulshada loo hayo, inagoo hadba dhinac ka bidhaamina.
Barnaamijkan toddobaadkan waxaynu ku soo qaadan doonaa xirfadda qurxinta iyo naqshadeynta, waxaana marti inoogu ah Maxamed Bashiir Cusmaan ‘Midnimo’ oo ah agaasimaha shirkadda Daa’uus oo sameysa qurxinta iyo naqshadaynta ayaa marti inoogu ah barnaamijka.
Axmed Daahir Cumar ayaa soo jeedinaya.