Home / Macluumaad / Dhageyso: Fikradaha ay bulshadu ka qabto gudniinka Fircooniga

Dhageyso: Fikradaha ay bulshadu ka qabto gudniinka Fircooniga

Muqdisho – Gudniinka Fircoonigu wuxuu kamid noqday caadooyinka soo jireenka ah ee ragaadiyay nolosha jiilal gabdho ah taniyo gu’yaal badan.

In-kasta oo aan la aqoon goortii u gudista gabdhaha qaabka Fircooniga uu soo if-baxay, hadana dhowr qarni kadib aragti laga qabo caada-dhaqameedkani ma ahan mid u weyn sidii hore.

Mahad waxay u celin karaan fahamka baahaya ee ku aadan gudniinka Sunnada ah.

Shukri Salaad Jimcaale, oo ah hooyo waaya’rag ku ah gudniinka Fircooniga ayaana kamid ah kuwaas.

“Fircooniga waxan u arkaa mid qaldan, waayo dhibaatadiisa ayaan arkay,” ayay tiri Shukri, oo ku jirta da’deeda 40-jirka.

Dhadhaminta khibradda xanuunka leh ee ku timaada natiijada ka dhalata gudniinka Fircooniga, Shukri wixii ku dhacay waxay dusha ka saaraysaa casriga ay ku jirtay waagaas – waxayna ku jirtaa dagaal ay gabdhaheeda kaga foojigan tahay in loo gudo qaabka Fircooniga.

“Wixii nagu dhacay waxaa loo aanaynayaa casri-jaahiliga lagu jiray – maya waalidka. Balse ka aniga ahaan, ma doorbidayo inaan gabdhahayga u gudo Fircooniga, waayo waan ogahay rafaadka ku sugan,” ayay tilmaantay iyada oo intaas kusi dartay inay qaadayso waddo kasta oo suura-gal ka ah inaysan gabdhaheedu tallaabtaas oo kale marin.

Hayeeshe in kale oo soo maray gudniinka Fircooniga ayaa kusii hal-adag caada dhaqameedkani inay tahay mid wanaagsan.

Waxaana kamid ah Naxwo Cabdicasiis Colaad, oo ah hooyo leh carruur ay ku jiraan gabdho. Iyada oo aan cuskaneyn caddaymo ayidi kara aragtideeda, Naxwo waxay si uga soo horjeedaa in gabdhaha loo gudo Sunno.

“Fircoonigu waa wax fiican: aniga ahaan wan jeclahay inaan gabdhahayga u gudo qaabkaas oo kale. Waayo anigaaba laygu guday,” ayay tiri Naxwo oo intaas kusii dartay: “Waxaad tahay qof dhowrsan marka laguu gudo Fircooniga – lamid matihid gabdhaha manta ee fudfudeydka lagu arkay.”

Marka loo eego Shukri, gabadha loo gudo Sunnada waxay ku raaxaysataa fursadaha ku adag gabadha dhiggeeda ah ee loo gudo Fircooniga.

“Xilliga caadada oo kale: dhalmada iyo xttaa guurka hore waxaan kusoo qaatay dhibaato badan. Waxaan arkay xittaa gabdho loo jaray nimankooda habeenka aqal-galka. Waayo waxay dhib kala kulmeen siday isku af-garan lahaayeen.”

Mana ahan kaliya Shukri iyo kuwa lamidka ah ee diidan gudniinka Fircooniga kuwa ka dharagsan dhibaatada ay la kulmaan gabdhaha loo gudo qaabkaas.

Xattaa kuwa ku hal-adag sida Naxwo ayaa qirsan. Waloow ay sheegtay inaysan dhib kala kulmin gudniinka Fircooniga, hadana waxay tirin kartaa kuwa ay maqashay.

“Haa waan ogahay inay dhibaato  la kulmaan gabdhaha loo gudo Fircooniga, hadana waa muhiim inaan kusii dhaqanno maadaama ay dhowrsani u tahay gabdhaheenna,” ayay tiri.

In dib loogu laabto wixii ku dumay halista gudniinka Fircooniga, waxay suura-galin kartaa inaan lagu sii adkeysan caadadaas. Waana talada ay Shukri hawada u marinayso hooyooyinka ku dhagan gudniinka Fircooniga, sida Naxwo

“Doqonnimo waxay tahay inaan dib ugu laabanno caadadii hore. Ilaahay aan uga cabsanno ilmaheenna. Yaan lagu xadgudbin noloshooda. Inaad soo martay dhibaatada ay leedahay Fircooniga haku saacido inaadan ilmahaada u gudin qaabkaas oo kale.”

Halkan ka dhageyso warbixintan oo codeysan. Waxaa soo jeedinaysa Hanaa Maxamed Maxamud.

Warbixinta FGM-ka

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan