Muqdisho – Waxaa jira hoggaamiyayaal badan oo dunida maanta ka noqday tusaalayaal muuqda oo looga deydo sida dal dadkiisu heer liita kaga jiraan nolosha Aadanaha uu uga soo saaro dadka ugu dakhliga iyo nolosha fiican ifka dusheeda.
Mid hoggaamiyayaashaas kamid ah ee qarniga dhamaaday dunida soo maray waa ra’iisul-wasaarihii hore ee dalka Singapore ee bariga Asia kaas oo dalkiisa kazoo saaray mid kamid ah dalalka ugu quruxda, dhaqaalaha iyo amaanada badan.
Wariyaheenna ayaa qormadan soo socota noogu sheegaya sirta ku jirta hoggaaminta Lik Wan Yew. Wuxuuna noo sawirayaa haddii uu imaan lahaa hoggaan Soomaaliyeed oo lamid ah Lik Wan Yew sida dalkeennu noqon lahaa.