Home / Macluumaad / Dhageyso: Warbixin iftiiminaysa waxa xirfadaha la barto ay ka badali karaan nolosha bulshada.

Dhageyso: Warbixin iftiiminaysa waxa xirfadaha la barto ay ka badali karaan nolosha bulshada.

Muqdisho – Kadib dhicistii Siyaad Barre, mid kamid ah tacliinta aadka loo tabay waa dugsiyada lagu barto farsamada gacanta taas oo xilligii dowladda dhexe kamid aheyd ilaha ugu muhiimsan ee lagu kobciyo xirfad abuurka – si loo dhimo shaqa la’aanta; loona dhiirri-geliyo isku filnaanshaha maaliyayeed ee muwaadin kasta.

Tani waxay dowladda u aheyd inay laba jeer ugu yaraan faa’iidi jirtay. Midi waa inay xirfado u abuurtay muwaadiniinteeda – midda kalana waa inay canshuurta kaga soo xeroota ku kabto miisaaniyadeeda.

Hadda booskaas wali si rasmi ah ugama imaan dowladda. Hayeeshe kaalintaas waxaa soo buuxiyay ururro aan dowli aheyn iyo macaahid ribix doonayaal ah oo gaar loo leeyahay oo bixiya aqoonta la xiriirta tacliinta lagu suura-galiyo xirfad abuurka.

Waa bilow wanaagsan oo is-baddal togan oo muuqda kusoo biirin kara yareynta shaqo la’aanta oo ah mid kamid ah mushkiladaha ugu waaweyn ee ragaadinaya nolosha jiilka maanta oo qaarkood ay lafahooda ugu biimeeyaan ka tallaabista badweynta si ay u gaaraan duni ay rumeysan yihiin inay ka heli karaan shaqooyin ay ku hanan karaan xurriyad maalmiyeed.

Haddaba warbixintan soo socota oo uu inoo diyaariyay wariyaheenna Mahad Maxamed Cali ayaa ku saabsan waxa xirfadaha la barto ay ka badali karaan nolosha bulshada. Waxaana inoo sheegeysa Caasha Nuur Aadan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan