Home / Macluumaad / Dhageyso: Warbixin ku saabsan wax-barashada tacliinta sare

Dhageyso: Warbixin ku saabsan wax-barashada tacliinta sare

Muqdisho – Kororka baahida loo qabo aqoonta iyo wax-barashada ee muwaadiniinta ku nool gudaha dalka waxay noqotay mid aan dhamaad laheyn.

Dalka oo kasoo kabsanaya dib u dhac nus qarni la jiifay iyo dadka oo ku baraarugaya horumarinta iyo ballaarinta ilaha laga helo cilmiga, tacliinta sare ayaa la timaada caadiyanba soo dhaweyn muuqata.

Mid kamid ah ilahaas sameynaya horumarka ku dhisan hiigsiga fog waa kulliyadaha bixiya tacliinta sare ee la yiraahdo post-graduate. Farriinta ugu weyn ee ay gudbinayaan ayaa ah in dalku ku socdo dhabbaha dunida soo koraysa iyo aragtida iyo yoolka dunida koobaad.

Hadaba warbixintan soo socota oo uu inoo diyaariyay wariyaheenna Mahad Maxamed Ali ayaa ku saabsan war-barashada tacliinta sare. Waxaana inoo sheegeysa Caasho Nuur Aadan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan