Home / Arrimaha Bulshada / Dhakhaatiir iska kaashanaya sidii ay dadweyanaha Muqdisho ku heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo qiimo jaban

Dhakhaatiir iska kaashanaya sidii ay dadweyanaha Muqdisho ku heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo qiimo jaban

Himilo – Sanooyinkii la soo dhaafay magaalooyinka waa weyn ee dalka waxaa ku soo badanayay isbitaalo gaar loo leeyahay kuwaas oo isku hawlaya inay daboolaan baahida caafimaad ee dadweynaha.

Balse adeegyada caafimaad ee gudaha dalka lagu heli karo weli ma buuxaan, dadkeenna waxay galaan safarro dibadda ah iyagoo goobaya adeeg caafimaad, dhaqaale badan ayaa ku baxa socdaalada caafimaadka ee lagu aado waddamada kale.

Iyadoo aysan jirin isbitaal yari bulshadeenna ma wada helaan baahidooda caafimaad, sababaha dadka aysan u wada helin adeegyo caafimaad waxaa ka mid ah dadka oo aan wada awoodin kharaska ku baxaya baaridda iyo dawooyinka dhakhtarka.

Koox dhallinyaro dhakhatiir ah oo ku nool Muqdisho ayaa iska kaashanaya sidii ay dadweyanaha magaalada ku heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo qiimo jaban, dadka ayay siiyaan kaar ay ka gadaan oo  qofka qaata muddo sanad ah uu ku tagi karo isbitaalka uu doorto isaga oo helaya qiimo dhimis.

Dr Nasro Cilmi oo ah hormuudka dhallinyarada hawshan wada ayaa sheegtay inay hawshan ka leeyihiin ujeedooyin waa weyn  sida in qof kasta uu ku xirnaado hal isbitaal isala markaana xogtiisa caafimaad ay noqoto mid keydsan oo dib loo tixraaci karo marka loo baahdo.

Waxay wadan sidoo kale barnaamij ardayda iyo bulshada qeybahooda kale lagu siinayo kaarar sheegaya qof kasta nooca dhiigiisa. tallaabadan ayay tilmaameen in qofka ay wax ku ool u tahay siiba mararka ay dhacaan waxyaabo kedis ah.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan