Home / Habka-Nolosha / Dhakhtar cuna digada lo’da, kuna tilmaamay in ay nadiifiso jidhka iyo maskaxda !

Dhakhtar cuna digada lo’da, kuna tilmaamay in ay nadiifiso jidhka iyo maskaxda !

Himilo – Dr Manoj Mittal, oo ah khabiir ku takhasusay carruurta oo u dhashay magaalada Haryana, ee dalka Hindiya, ayaa dood ka dhaliyay Baraha bulshada, ka dib markii uu kamarada ka soo muuqday isaga oo ammaanaya faa’iidada ay leedahay cunista digada lo’da, isaga oo naftiisa cunaya.

Daawo-dhaqameedka Hindida ayaa muddo dheer u ololeynayay digada lo’da si ay u noqoto dawo-dhammaantood xitaa joojin kara xaaladaha sida kansarka iyo Covid-19, laakiin tani kuma jiraan dhakhaatiir tababaran oo guud ahaan aaminsan waxyaabo ay ka mid yihiin sayniska iyo tijaabooyinka caafimaad.

Sida ku dhawaad goob kasta, waxaa jira waxyaabo ka reeban,Manoj Mittal, oo ah MD(Dhakhtarka Daawada) oo ka soo jeeda  degmada Karnal ee Haryana, runtii waa mid ka reeban. Muqaal dhawaan la soo galiyay baraha bulshada oo aad u faafay, waxaa la arkayaa Mottal oo gabal yar kasoo goynaya ila markaana qaniinay digo lo’ oo uu ku amaanayo faa’iidada ay u leedahay jidhka, maskaxda iyo nafta qofka.

“Qeyb kasta oo Panchagavya ah oo laga helo lo’da aad bay qiimo ugu leedahay aadanaha,” ayuu yiri Mittal. Bal eega, haddaynu cunno digada lo’da, markaas jidhkayagu iyo maskaxdeennu waxay noqonayaan nadiif. Nafteenu nadiif bay noqotaa. Marka ay jidhkeena gasho, waxay nadiifisaa jidhkeena.

Dhakharka carruurta ayaa intaa ku daray in hooyadii ay ku afbilaaban jirtay digada lo’da, isla markaana dumarka cuna wasaqda lo’da aysan u baahneyn qalliin marka ay dhalayaan.

Fiidiyowga, Dr Manoj Mittal ayaa lagu arkayaa isagoo soo guranaya digada lo’da, ka dibna si caadi ah u cunaya qaybo ka mid ah iyaga oo aad mooddo in ayba rooti tahay. Dhaqankiisa waxa uu ka helay jawaabo kala duwan baraha bulshada.

iyadoo koox dad ah ay u sacab tumeen inuu qaatay dawo dhaqameedka Hindiya, halka kuwo kale oo ku eedeeyay inuu ka fogaaday caqli-galnimada cilmiga ah si uu waalidaasi u faafiyo.

“Golaha Dhakhaatiirta Hindiya waa in ay arrintan ogaadaan oo ay joojiyaan shatigiisa ku-shaqaynta xirfadda caafimaadka. Dhakhtarka carruurta ahaan, waa inaanu digada xoolaha u qorin carruur yaryar oo aan waxba galabsan,” ayuu qoray mid ka mid ah dadka isticmaala Facebook.

Digada lo’da ayaa qayb weyn ka qaadatay dhaqanka Hindiya, sidoo kale, waxaa laga soo  saaraa dawooyin iyo dhowr badeecooyin  ah.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan