Muqdisho – Heerka bacriminta ama dhalmada waa aas-aaska gunta ah ee mujtamaca. Sanadkii 1947-kii laba sano kadib dagaalkii labaad ee adduunka, haweeneyda Japan waxay dhali jirtay 4.7 carruur ah.
Bilowgii qarnigan tiradaas waxay isku soo dhintay si hooseysa halkaas oo haweeneydiiba hadda ay dhasho 1.3 carruur.
Markii uu dhamaaday dagaalkii labaad, Japan waxay kamid ahayd dalalkii ku jabay ee looga adkaaday dagaalka ee ka garab dirirayay Talyaaniga iyo Jarmalka. Kolkii labada magaalo ee Hiroshima iyo Nagosaki lagu dhiftay qunbulad nugliyeer ah, Japan waxay ku dhawaaqday inay ka baxday dagaalka.
Mahadhadii kasoo gaartay dagaalka iyo sida ba’an oo ay ugu hanti beeshay – taas oo ay usii dheer tahay inay tahay dalkii ugu horreeyey ee taariikhda loo adeegsado hubka wax gumaada ee nugliyeerka, waxay ku sugnayd mustaqbal aan la saadaalin karin. Hayeeshe sida ay u leedahay dal yar oo aan kheyraad lahayn, uma dad yarayn. Waxay heysatay kheyraadka ugu muhiimsan ee lagu horumaro oo ah dhalinyarada.
Howlgalladii xilligaas horay loogu qaaday tayaynta iyo xoojinta aqoonta iyo xirfadaha nololeed ee dhalinyarada Japan waxay la timid inay mar labaad dalkooda kusoo celiyaan saaxada dhaqaalaha adduun-weynaha. Muddo ka yar 30 sano gudahood, waxay mar soo gashay loolanka suuqa xorta ah ee caalamka. Sanadkii 1972-kii, Japan waxay noqotay dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan adduunka kadib Maraykanka.
40-kii sano ee lasoo dhaafay, Japan waxaa hoos u dhac ku imaanayay heerka dhalmada haweeneyda taas oo ka dhalatay qalqal ku yimid saadaasha dhaqaale ee mustaqbalka.
Dadyowga Japan ayaa hoos isu-dhimayey 4-tii sano ee ugu danbeysay kadib sanado badan oo digniino ah oo ku aadan hoos-u-dhaca ku socda heerka dhalasho ee dadka oo aad u hooseysa. Tani ayaa soo dadejisay in dhaqaal-yahannada dalkaas ay ku cadaadiyaan RW Shinzo Abe inuu qaato go’aan uu golaha barlamaanka ku horgeynayo hindise ku aadan kordhinta tirada heerka dhalasho ee carruurta Japan.
Abe wuxuu rabaa in sare loo qaado tirada ilma-dhalista oo hadda ah 1.42 iyada oo laga dhigayo 1.8 haweeneydiiba – halka la dhimayo hannaankii hore ee daryeelka loona fududeynayo dumarka inay durba shaqadooda kusoo laabtaan kadib umul-baxa.
Fikradda ayaa looga gol leeyahay in looga hortago in–tirada dadka Japan oo hadda ah 127-malyuun aanay ka hoos marin 100 malyuun. Balse ganacsi dhaqaaleed isku duba-dhaca wuxuu caadiyan u baahan yahay inuu helo heer dhalasho oo celcelis ahaan ah 2.1 caruur inay haweeneydiiba dhasho – taas oo sidoo kale tirada dadweynaha si fudud u xasilin karta.
Tirada dadka Japan ayaa la filayaa inay noqoto 87-malyuun marka la gaaro 2060-ka sida uu sheegayo Machadka Cilmi-baarista Nabad-galyada Bulshada iyo Tirakoobka Qaranka. Tirada dadka shaqeeya ee reer Japan ayaa hoos u sii dhaceysay sanad kasta taniyo 1990 sida laga soo xigtay Wazaaradda Arrimaha Gudaha ee Japan. Xogtan ayaa sidoo kale muujisay in tirada dadka shaqeyn doona 2060-ka ay noqon doonaan wax ka yar 44-malyuun.
Tiradani ma ahan saadaal oo qura. Goor hore waxaa bilowday sansaan lagu qiimeyn karo mustaqbalka qaraar ee kusoo fool leh.
Tusaale ahaan, magaalada Yubari waxaa ku dhacay laba mushkilad. Midda koobaad waa burbur dhaqaale: tan labaadna waa hoos u dhac ku yimid heerka dhalmada ee haweeneyda. Warbixin sanadkii 2014-ka uu ka diyaariyay barnaamijka Khawaadir kaas oo booqday magaalada Yubari ayaa lagu sheegay in haweeneydii ugu danbaysay ee ku dhasha isbitaalka guud ee degmada ay ahayd bishii September sanadkii 2007. Daadiyaha barnaamijka, Axmed Shaqiiri wuxuu sheegay in tirada Bisadaha iyo Eeyaha ku nool guryaha Japan ay ka badan yihiin tirada ilmaha la dhalo.
Dhibtani kaliya gaar kuma ahan dunida Bariga. Galbeedku wuxuu ku jiraa heerka ugu hooseeya ee dhalma la’aanta. Qoraaga Buugga The Death of West – Geerida Ninka Cad, wuxuu sheegay in Yurub aysan kusii jiri doonin aqlabiyadda ninka cad oo ay camiri doonaan umadaha dunida kale uga soo hijrooday. Sidoo kale qoraaga Jonathan Last, wuxuu buuggiisa Waxa la filasho marka aysan filashaba jirin, wuxuu tilmaamay in kol horaba uu bilowday burburka ku yimid taranta dadweynaha Maraykanka.
Halka siyaasiin badan ay qabaan in Japan ay aqbasho nidaamka soo-galootiga uga soo hijrooda dunida saddexaad iyo Bariga Dhexe, haddana aqoonyahannadu waxay farta ku godayaan in dhaqanka Japan lagu celiyo siduu ahaa. Aragtidoodu waa in guurka laga dhigo mid soo jiidasho leh iyo in siyaasadda qoyska laga yeelo mid sahlan una furfuran dhalinyarada.
Sidaas darteed, dunida waxaa kusoo fool leh laba umad. Umad xadaarad hore oo ifka oo dhan raadaysay mar dhalisay iyo umad horumarka maanta ifka ka jira hormuud u ah. Balse guulaha labadan kooxood waxaa go’aamiya heerka uu gaarsiisan yahay tirada dhalinyarada ay heystaan. Wayna iska cadahay in Muslimiintu yihiin kuwa – iyaga oo kaashanaya tagtadii dahabiga ahayd oo ay ilbaxnimada ka gaareen iyo jiil da’yar – la wareegi doona ilbaxnimada qarniga 21aad.
Hayeeshe, Soomaalida oo aan ognahay inay leedahay dhalinyaradu aad u badan una firfircoon wax-qabadka in intee la’eg ayay kheyraadkan dabiiciga oo dunida kale ka qadsan tahay ka faa’iidi karaan? Haddiise aan aragnay sida ay mustaqbalkooda uga deyrinayaan umadaha jiilkoodu sii gaboobayo, muxuu noqonayaa umad jiilasheedu ay ka hooseeyaan 30-jirka?
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.