Home / Arrimaha Bulshada / Dhalinyaro afurisa qoysaska danta yar

Dhalinyaro afurisa qoysaska danta yar

Himilo – Soon, -marka laga yimaado inay tahay bil afka la xira inta u dhaxeysa waabarkii illaa gabbal-dhaca, waa ayaamo ay muslimiinta xoojiyaan sameynta acmaasha wanaagsan, sida bixinta sadaqada.
Waxaa bishan oo kale la arkaa ururo amaba dad is abaabulay oo afuriya dadka socotada ah, sida darawalada gaadiidka iyo rakaabka la socda ee aan ka gaari Karin afurka.
Waxaase jira jira dhalinyaro kale oo booqda bishan Soon qoysaska danta yare e ku nool xeryaha loo barakacay eek u yaala duleedka caasimadda Muqdisho, sida kooxda ku midowday magaca Danwadaag.
Waxey u badan yihiin arday dhigata jaamacadaha dalka, lacago ay ka jareen jeebkooda ayey ku afuriyaan qoysaskaasi la hilmaamay.
Bariis, hilib, timir, qare iyo biya cad, ayey kusoo iibiyaan lacagta ay iska uruuriyaan iyo in kale oo ay ka helaan samafalayaal kale.
Marka ay bisleeyaan kaddib ayey ku ridaan weelal waqtiga isticmaalkoodu gaaban yahay, si ay u gaarsiiyaan qoysaska aanan haysan wax ay ku moodaan bishan Soon.
Axmed Sayid Cumar, oo guddoomiye u ah kooxdan dhalinyarada ah ayaa sheegay barnaamijka “Afuri walaalkaaga sooman,” ay wadaan soonkii afaraad, ayna u baahan yihiin in loo kaco walaalah gaajoonaya ee aanan haysan wax ay ku afuraan.
Dalmar Cadow oo aragga naafo ka ah, waxa uu kaalintiisa ka qaadanayaa sanadkii afaraad howlaha uruurinta, diyaarinta iyo qeybinta afurka danyarta.
Sacdiyo Aadan waxey ka mid tahay qoysas gaaraya illaa 60 oo ka faa’iideystay afurtinta ee ku nool kaamka Al Raxma ee ku yaalla xaafadda Xoosh ee dagmada Dharkenley.
“Waa deeqdii ugu horreysay ee aan helno” ayey tiri hooyo Sacdiya.
In garab istaag buuxo loo muujiyo danyarta waa arrin wanaagsan oo diinteenna suuban innagu boorineysa ka warqabkooda.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan