Himilo - Ibrahim Xuseen Maxamed wuxuu dhigtaa cilmi aan inta badan lagu bixin jaamacadaha dalka. Waana sannadkii ugu dambeeyey ee jaamacadda uu ka dhigto culuumta badaha.
“Markii aan arkay kheyraadka muuqda oo aan aqoontiisa martida uga nahay umadaha kale iyo in la joogo waqtigii si dhab ah looga faa’iideysan lahaa,” ayuu yiri. “Waxaan go’aansaday inaan barto.”
Marka loo eego Liibaan Ciise Faarax oo kamid ah howlwadeennada Jaamacadda City, kaliya lix jaamacadood oo dalka ku yaal ayaa bixiya culuumta badaha. Baahida loo qabana waa mid hadiyo jeer soo jirtay.
“Qiyaas badda intaas la’eg oo aan wax badan laga aqoon sida Alle noogu yasiray ka sokow, sida ay ugu diyaarsan tahay ka faa’iideysi oo kaliya,” ayuu yiri.
“Habka kaliya oo nimcadaas loogala soo bixi karo waa innaga oo barana culuumta badaha.”
Tira-yarida jaamacadaha bixiya culuumta badaha, waxay ka dhigan tahay in arday kooban ay kasoo aflaxaan sannad walba. Naciima Ibrahim Macow ayaana kamid ah. Waxay sheegtay inay iskeed u dooratay kulliyaddan – balse aysan soo dhawayn kaga helin asxaabteeda.
“Gabar ayaa tahay maxaa kugu qaadaya inaad baddaas iyo afaaraheeda gasho,’ ayaa la igu dhihi jiray,” ayay tiri.
“Laakiin dheg jalaq uma siinin waayo waan ogaa inaan u baahanahay cilmigaas oo ay badeennuna inooga baahan tahay gurmad iyo wax u qabasho – kaskow in laga manfacsado.”
Sannad kasta 8 June waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Badaha si kor loogu dhigo wacyi-gelinta halista baahsan ee lagu wado hab-nololeedka noolayaasha reer badeed iyo in la dhimo lana joojiyo xaalufka iyo wasaqeynta. Mowduuc uu si ay dhow ugu baraarugsan yihiin bahda dhigta culuumta badda.
“Bacda balaastikada ah oo lagu qubo iyo noolaha u dhinta sababteeda ayaa kamid ah ujeeddada maanta oo kale laga hadlo sidii loo af-jari lahaa,” ayuu yiri.
Liibaan Ciise wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay baahinta culuumta ku saabsan badaheenna si looga faa’iideysto kheyraadka ku jira badaheenna.
“Dunida kama jirto Soomaaliya mooyee; meel hal kalluun ay toban qofood wada qaadaan culeyska uu leeyahay awgeed,” ayuu yiri. “Nasiib-darro, waxaynu nahay dal kamid ah kuwa ugu hooseeya xagga cunidda kalluunka.”
Labaduba – Niciima iyo Ibrahim – waxay farriin xooggan u sidaan bahda wax-barashada iyo bulshada guud ahaan oo ku saabsan badaheenna.
“Waa in baraarugga culuumta badda laga soo bilaabo dugsiyada hoose,” ayay tiri.
“Sababta oo ah haddii aan aqoonteeda la yeelan, ilaalinteeduna way adkaaneysaa.” Ayuu sii raaciyay.
In Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika Cidna daah kama saarna, balse wali ma dhicin in si muuqata looga faa’iideysto kheyraadka iyo barwaaqada dhex ceegaagta qeybta ballaaran oo aan ka leennahay badweynta Hindiya.
Qore: Zaki Hiraale.