Dhallinyaro u istaagay inay Soomaaliya ka dhigaan mid cagaaran oo nabad ah

Himilo – 50 dhalinyaro ah oo isugu jira kuwo dhameeyay jaamacado, iskuullo iyo kuwo weli dhigta oo wiilal iyo gabdho leh kuwaas oo kala jooga Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa wada olole dadka loogu sheegayo inay degaankooda ka ilaaliyaan xaalufinta iyo adeegsiga bacaha.

Dhallinyaradan ayaa sheegay inay saameynta isbeddelka cilmida Soomaaliya soo gaartay, waxay u cuskadeen abaaraha oo ay sheegeen inay hadda noqdeen kuwo isku xig-xiga halka waagii hore ay u dhaxeyn jireen ugu yaraan shan sano iyo ka badan.

Waxay aaminsan yihin dadka Soomaaliyeed inaysan ku baarugsaneyn in dhibaatada degaanadooda ka jirta ay iyagu kaalin ku leeyihiin maadaama ay qaarkood ku hawlan yihiin jaridda dhirta oo la sheego inay dhulka ka ilaaliso nabbaadguurka iyo roob la’aanta.

Xubnaha dhallinyarada ee Muqdisho iyo gobolada kala jooga waxay si gaar ah u sameeyaan kulamo ay dadka ku wacyi geliyaan  inay degaanka u dhowraan sida gurigooda oo kale, waxay wadaan sidoo kale mashruuc goobaha danta guud ay ugu beerayaan geedo iyagoo la kaashanaya ardayda iskuulada iyo jaamacadaha, waxay arday kasta u booriyaan ka hor qalin jebintiisa inuu geed beero.

Dhallinyaradan oo ku mideysan madasha Somali Greenpeace Association ayaa u shaqeeya si isxil qaan (lacag la’aan ah), ujeedadooda ayay ku sheegeen inay doonayaan in Soomaaliya ay noqoto dalka cagaaran oo nabad ah.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan