Himilo – Dhaqaalaha dunida ayaa la filayaa inu sameeyo sanadka 2021-ka kobac gaaraya 4.2%, sida uu saadaalinayo ururka iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta ee OECD. waxeyna ka dhigan tahay rajadii ugu horreysay ee la muujiyo tan iyo markii uu billawday coronavirus.
Ururkan oo ay ku midoobeen 37 dal oo u badan reer Yurub, ayaa soo kabashadaasi u sababeeyay tallaalada loo helay feyruska corona, kuwaas oo markii la qeybiyo gacan ka geysan doono dib usoo dhalaalidda dhaqaalaha caalamka oo sanadkan sii idlaanaya hoos u dhacay 4.5%.
“Soo kabashada way xooganaan doontaa, haddii tallaalada loo qeybiyo sida ugu dhaqsiyaha badan, la xoojiyo kalsoonida oo la yareeyo hubanti la’aanta” ayaa lagu yiri warbixinta bisha December ee ururka OECD oo lagu daabacay Anadolu.
Kobaca dhaqaale ee ugu xoogan waxaa sameyn doona dalalka qaaradda aasiya marka loo barbardhigo Yurub amaba waqooyiga America. Si kororkaasi la saadaalineyo loo gaaro, OECD waxa uu ku taliyay in ganacsiga yar yar – oo saameynta taban ee ugu daran uu ku reebay Covid-19 – la siiyo taageero baddelkii la siin lahaa amaah, si ay u samatabaxaan.
Waxey ka digeen in dib u dhac ku yimaada qeybinta tallaalka, kiisaska cusub ee coronavirus oo la xakameyn waayo iyo dowladaha oo ku guul-dareysta inay cashir ka bartaan mowjadii koowaad ee Covid-19 ay horseedi doonto sadaasha oo dhanka kale isku rogto.